khilaaf aya kataagan magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiraan{Akhriso}

by admin | Tuesday, Aug 13, 2019 | 579 views

khilaaf dhanka awooda maamulka magaalada Beledweyne ayaa soo kala dhaxgalay duqda magaalada Beledwayne Safiyo Xasan Cali Jimcaale iyo gudoomiyaha Dagmada Beledweyne Macaalin Maxamed Axmed Ibraahin Foodcade

Wararka ayaa sheegay inu qilaafan ka dhashay kadib muran ka taagan yahay qaabka loo kala leeyahay maamulka iyo maareeynta degmada Beledweyne ee gobol hiiraan,

Wararka ayaa sheegay inu qilaafan ka dhashay kadib markii maayarka magaalada baladweyne ay shegtay in ay ka sareeyso gudoomiyha Dagmada Beledweyne waxaana arinkaas ka biyo diiday gudoomiyaha degmada baladweyne

qilaafka ay soo fibaxay kadib markii shalay magaalada baladweyne laga bilaabay qeybinta xoolo loo qalyay dadka barkacyaasha ah kuwaas looga Dhirgalay ka qeyb galka maalinta ciidul adxa waxaana Duqda magaalada aya sheegtay in ay la wareegtay Maamulka deeqaha magaalada soo gaarayo Maamulida Magalada Beledweyne.

hyeeshee gudoomiyaha Dagmada ayaa ka carooday arinkaas islmarkaan u Dacwoday Gudoomiyaha Goblka Cali Caraale

sido kale wararka ay sheegayo inu arinka qilaafka soo kala dhaxgalay gudoomiyaha goblka islamrkaan u wado dadaalo lagu soo Lagu Xalinayo xiisadda dhanka awooda maamulka magaalada ee soo kala dhaxgashay duqda magaalada iyo gudoomiya degmada oo Xalkoda Ku Sigatay Gacan ka Haddal.

inta badan ismaandhafka awooda gudoomiyaha degmada iyo duqa magaalada oo labo xil ku kala magacaabana ah ayaa ka tagaan degmooyinka Gobalka Hiiraan ee Hirshabelle.

waxaana caqabada lagu tilmaam wasaarada arimaha gudaha oo an kala saarin shaqooyinka duqa iyo guudomiyaha Dagmada.

qilaafka duqa iyo gudoomiyaha baladweyne ayaa ku soo aaday xili sidaan oo kale qilaaf soo kala dhaxgalay gudoomiyhii magaalada Buulo-burte Cabdicasis Duuroow iyo duqa magaalada Buulo-barde Maxamed Fidoow Cawaale (Gorgorshe) ay sababtay gacan ka hadla lagu daqaray (Gudoomiye Duuroow)

Doowlad goboleedka hirshabeelle gudoonka baarlamaanka, wasiiradooda iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka oo aan u kala saarneeyn qof walbo shaqadiisa ayaa sababto af- kahadal iyo gacan ka hadal joogto ah.

Like it? Share it!

Leave A Response