Khilaafka baarlamaanka Puntland oo meel sare gaaray & wararkii u dambeeyey

by admin | Thursday, Dec 3, 2020 | 329 views

Magaalada Garoowe waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo qaarkood taageersan guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo kuwa kale oo ka soo horjeeda gudoomiyaha.

Xildhibaanada labada garab ayaa sidoo kale saacadihii u dambeeyey kulamo iska horjeeda ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ka soo horjeeda guddoomiyaha ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Sidoo kale xildhibaanada taageersan guddoomiyaha ayaa kulamo iyana ku yeeshay Garoowe, kuwaas oo looga hadlayey khilaafka ka dhex aloolsan baarlamaanka Puntland.

Waxaa sidoo kale socda qorshe uu guddoomiyaha wado, islamarkaana ku doonayo in xasaanada lagala laabto illaa sideed ildhibaan mucaarad ah, kuwaas oo kala ah:-Xil.Saleebaan Faarax, Xil.Maxamuud Maxamed Barre, Xil.Cabdiraxmaan Dhoorre, Xil.Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xil.Cabdi Jamaal Cismaan, Xil. Sh.Cabdiqani Abshir Surato ,Xil.General Baduugaaye iyo Xil.Muuse Jajabsay.

Xiisada siyaasadeed ee Garoowe ayaa sii xoogeysaneyso, waxaana saaka ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka u dhow xarunta golaha wakiilada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii uu buuq iyo fowdo uu ku soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland, kaas oo gabi ahaantiisba lagu kala kacay

Like it? Share it!

Leave A Response