Kiiska Cabdalle Mumin oo fadeexad u keenay dowlada somaliya.

by admin | Thursday, Mar 2, 2023 | 313 views

Xiritaanka Kiiska Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJA) Wariye Cabdalla Axmed Muumin

Muddo ka badan 5 bilood waxaa baraha bulshada ka socda kiiska dacwo ee u dhexeeyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Cabdalla Axmed Mumin oo la xiray, kaddibna dammaanad bannaanka ku joogay. Xoghaye Cabdalla waxaa la xiray 11.10.2022 wuxuu Maxkamadda Gobolka Benadir Maxbuus dibed joog ah u ahaa 22.10.2022 ilaa 13.02.2023. Madaama Suxufiyiinta ay yihiin tiir asaasiga ee nidaamka dowladda dimoqradiga ah, kiiska Cabdalla wuxuu ahaa mid lala socday dalka gudihiisa iyo dibeddiisa, waxaana si adag uga hadlay Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya iyo Ururrada Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwo Ajnabi ah, taaso DFS ku kasbatay eedeymo iyo dhalliilo ku saabsan ku tumashada xuquuqda iyo Xorriyada Warbaahinta xorta ah.

Sidaa darted, kiiska Cabdalla Axmed Mumin wuxuu DFS ee cusub u soo jiiday dhalliilo uga imaanaya taagerayaasha/difaacayaasha Caalamka ee Warbaahinta madaxa bannaan.

Warbaahinta lama siiyo amar, lagumana eedeyn karo amar diido. Waxaa lagu eedeyn karaa ku xadgudubka sharciga Saxaafadda.

Waxaa habbooneyd in RW, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Garsoorka, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, La Taliyayaasha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benadir, ay tixgeliyaan sawirka kiiska Cabdalla Axmed Mumin ka bixinayo ku dhaqanka iyo ilaalinta dastuurka, nidaamka dimoqradiga ah, iyo ilaalinta xuquuqda iyo madaxbannaanida Warbaahinta gaarka ah.

Kiiska Cabdalla waxaa dhegeystay Maxkamad, dadweynahana waxay kala socdeen baraha bulshada, wax badanna waa ka fahmeen. Ugu dambeyn maxkamadda waxay soo saartay xukun 2 bilood ah, kaddibna Cabdalla waa la siidaayay madaama uu masbuus dibed jooga u ahaa Maxkamadda Gobolka Benadir muddo 4 bilood ah.

Sida baraha bulshada lagu faafiyay, isla markaana Xildhibaanno matalayay Cabdalla ay fagaarayaal kala duwan ka sheegeen, isla markaana ku cad qoraalka ka soo baxay Xeer Ilaaliyaha JFS 28.02.2023, Saraakiisha Xabsiga Dhexe ayaa siideysay Cabdalla ayadoo loo tixgeliyay inuu 4 bilood ahaa Maxbuus dammaanad ku ahaa dibed joog. Sida muuqata Cabdalla Axmed Mumin wuxuu ahaa maxbuus la siidayay.

Dhalliilaha qoraalka ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha waxaa ka mid ah:
*in la yiraahdo waxaa la baaraya Taliyaha iyo saraakiisha Xabsiga oo si sharcidarro ku siidaayay Cabdalla, isla markaana Cabdalla loo diiwan geliyo inuu yahay Maxbuus baxsad ah, taaso ah dembi abuuris cusub oo ka baxsan dambigi lagu xukumay.
Taas waxay xoojineysa dhalliilaha iyo shakiga weyn ee dadweynaha ka qaaday kiiska Cabdalla Axmed Mumin.

*Madaama Xeer Ilaaliyaha baarayo habka loo siidayay Cabdalla, ma jirin sabab loogu degdego xiritaankiisa madaama uu ahaa muwaadin la hubo inuusan baxsaneyn.

*Xeer Ilaaliyaha qoraalkiisa kuma cadda amar ka soo baxay maxkamad ee amraya soo qabashada Cabdalla oo 10 maalmood dibedda joogay, haseyeeshe loo qoray baxsad.

Xildhibaannada ka hadlay arrinta Cabdalla waxay caddeeyeen in Maxkamadda Gobolka Benadir iyo Maxkamadda Racfaanka aysan wax war ah ama dacwo ah ee la xiriira Cabdalla xukunkiisa iyo siideyntiisa aysan hayn, arag. Maxkamadda looma sheegin in amarkeeda la baalmaray iyo in Cabdalla baxsad loo qoray, inkastoo la ogaa meesha uu joogo siideyntiisa kaddib.

Qoraalka Xeer Ilaaliyaha iyo guud ahaan kiiska Cabdalla Axmed Mumin wuxuu dhaawacaya sumcadda Garsoorka iyo kan Xukuumadda, waxaana habboon in kiiska Cabdalla Axmed Mumin la iska xiro si degdeg ah.

Danta waxay ku jirtaa in Madaxweynaha JFS Cafis u fidiyo Cabdalla Axmed Mumin si loo xiro kiiska, isla markaana loo hagaajiyo sumcadda Garsoorka iyo Xukuumadda DFS, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda Warbaahinta xorta ah.

Dr. Maxamud M. Culusow

Like it? Share it!

Leave A Response