Kooxo hubeysan oo dad ugu geystay Gaalkacyo dil iyo dhaawac

by admin | Saturday, Jul 16, 2022 | 397 views

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay lagu dilay halkaasi Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

Ninkaan dhalinyarada ayaa dhintay ka dib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamo howlgal ku jiray oo ka tirsan maamulka Puntland.

Dhanka kale Gaalkacyo waxaa xalay lagu dhaawacay Cilmi Cali Guuleed oo ah madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee gobalka Mudug.

Mas’uulka ayaa dhaawac ka soo gaaray madaxa, kaddib markii ay toogteen koox aan haybtooda la garan.

Laamaha amniga Puntland ayaa weli hadlin dilka iyo dhaawaca saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response