Kulamo looga hadlay Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo ka dhacay Maxaas.

by admin | Monday, Sep 4, 2023 | 90 views

Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay kulan looga hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo dhammeystiro wajiga 1aad ee howlgalladaas ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiisha Ciidanka iyo xubno kala duwan ayaa kulankaas isaga xog-wareystay qorshaha lagu dardargelinayo howlgallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Deegaanka kala hadlay sidii xoogga loo saari lahaa howlgalladaan si loo gaaro meelaha ay weli joogaan ‘AS’.

Maxaas waxa ay udub dhexaad u tahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno dhowr ah oo dhaca Bartamaha Soomaaliya, saraakiisha ciidanka ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay ka gungaarista duullaankaas.

Like it? Share it!

Leave A Response