Kulamo xal raadin ah oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

by admin | Monday, Sep 9, 2019 | 570 views

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kulamo ka yeeshay sidii xal looga gaari lahaa daabulida Ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo la doonayay in lag qaado Baladweyne lana geeyo Dhuusamareeb,hayeeshee Odayaasha Dhaqanka ay taasi diideen.

Kulamadaan ayaa waxaa ay u dhaxeeyeen Odayaasha Dhaqanka Baladweyne & saraakiisah ka socday dowladda ee ka yimid Gobolka Galgaduud,waxaana kulamada intii ay socdeen ay Odayaasha Dhaqanka sheegeen in qaabka loo maray in Ciidamada la geeyo magaalada dhuusmareeb ay tahay mid Sharci darro ah.

Warar  kal hore soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu amaray in Ciidamadaas loo wareejiyo magaalada Dhuusmareeb, isla markaana ay halkaas ka howgali doonaan ilaa laga soo geba-gabeynayo doorashooyinka Galmudug.

Sidoo kale Shalay waxaa Baladweyne ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar ka mid ah Shacabka Baladweyne,kuwaas oo kasoo horjeeday Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle la geeyo Dhuusamareeb,kuwas oo gaaraya ilaa 300 oo Askari.

Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ee haatan ku sugan baladweyne ayaa laga soo kala aruuriyay Shanta degmo ee Gobolka Hiiraan,waxana muddo saddex Bilood ah uu tababar uga socday xerooyin ku yaalla duleedka Baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response