Kulan loogaga hadlayay Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo Jowhar lagu qabtay

by admin | Wednesday, Aug 7, 2019 | 638 views

Aqoon is weydaarsi ku saabsan Hourmarinta xuquuq insaanka iyo bedqabka carruurta oo ay  soo qabanqaabisay Wasaarada haweenka dowlad goboledka Hirshabelle oo gacan ka heleysa hay‘adda UNDP ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise ayaa daahfrutay aqoon isweydaarsigan oo soconaya muddo labo maalmood ah iyadoo ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay furitaanka aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquul insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Marwo Caasho Khaliif iyo  Wasiir ku xigeenka wasaaradaas Marwo Xaliimo Cali siciid,xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquul insaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Marwo Caasho Khaliif oo ka hadashay furitaanka aqoon isweydaarsigan ayaa sheegtay in mudada uu socdo  aqoon isweydaarsiga xoogga lagu saari doono sidii looga doodi lahaa dhowrista guud ahaan xuquuqul insaanka iyo weliba carruurta.

Waxa ay wasiirka haweenka ay ka codsatay ka qeybgalayaasha in mudada uu socdo aqoon isweydaarsigan ay si dhab ah ugaga doodaan sidii loo sugi lahaa xuquuqda dadka gaar ahaan carruurta.

Ugu dambeyntii Marwo Canab Axmed Ciise oo si rasmi ah u daah furtay aqoon isweydaarsigan ayaa waxa ay sheegtay in ay jiraan tacadiyo badan oo lagula kacayo dadka Soomaaliyeed.

“Wiilashii ayaa dhacday inaysan dhowrin walaalahood hooyooyinkoodna ay qarxiyeen.”ayay tiri Marwo Canab Axmed Ciise.

Marwo Canab Axmed Ciise ayaa ugu baaqday ciidamada Booliska inay ilaaliyaan shacabka shacabkana ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska.

Aqoon isweydaarsigan ayaa lagu wadaa in lagu qabto  guud ahaan magaalooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Like it? Share it!

Leave A Response