Maamulka Guriceel oo Shacabkii barakacay ugu baaqay inay soo laabtaan

by admin | Wednesday, Oct 27, 2021 | 218 views

Ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Dowlad Hoboleedka Galmudug ayaa dhamaan la wareegay fariisimihii Ciidan ee ay ka dagaalamayeen xoogaga hubeysan ee Ahlusunna ee degmada Guriceel.

Maamulka guriceel iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa kormeeray Goobihii ay ka dhaceen dagaalada oo qaarkood lagu arkay meydad dad aan la aasin.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa sheegay in guud ahaan la soo geba-gabeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa xoogaga Ahlusunna, waxaana uu dadkii barakacay ugu baaqay in ay kusoo laabtaan guryahooda, isla markaana xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.

Sidoo kale Guddoomiye Anas ayaa ugu baaqay dhamaan Hay’adaha ka howlgalla degaannada Galmudug inay si deg deg ah ugu gurmadaan dadkii ka barakacay Guriceel ee dhibaatooyinka kala duwan ku qabsadeen duleedka degmadaas.

Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta degan kadib Afar Maalin xiriir ah oo ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna oo saaka waaberigii bore isaga baxay degmada Guriceel.

Like it? Share it!

Leave A Response