Maamulka Hir-Shabeelle oo xabad-joojin kala dhex-dhigay maleeshiyaad dagaalamay

by admin | Friday, Apr 28, 2023 | 264 views

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex-dhigaan laba maleeshiyo Beeleed oo shalay ku dagaalamay deegaanka Afar irdood oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaal oo ka billaawday maleeshiyaadka oo isku heysta dhul ku yaalla degaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalkii shalay la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 5 Ruux oo labada dhinac ah.

Dagaalka ayaa ahaa mid salka ku haayay weerar gaadmo ahaa oo laba cisho ka hor ka dhacay deegaan u dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo lagu dilay laba ruux oo xoolo dhaqato ahaa.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ku baxay joojinta xiisada ka dhalatay weerarka habeen hore lagu dilay labada ruux ayaa ku guul dareystay iney xal  helaan xiisada u dhaxeysa labada Maleeshiyo beeleed, taas oo keentay inay shalay dagaalamaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannadii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana la filayo in Maamulka Hir-Shabeelle uu xabad-joojin uu kala dhex-dhigo.

Like it? Share it!

Leave A Response