Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay kuraastii u dambeysay ee la dooranayo

by admin | Thursday, Mar 10, 2022 | 662 views

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu soo bandhigay liiska 7 kursi, kuwaas oo uu kujiro kursiga Madaxweynaha Koonfur galbeed, waxaana kuraasta la shaaciyay ay kala yihiin.

1: HOP#181 oo ay ku fadhiso Maryan Macalin Isaaq.

2 HOP# 204 oo uu ku fadhiyo Macalin Cali Aadan

3: HOP# 197 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee howlaha Guud & Guryeynta Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey

4: HOP#179 Maxamed Axmed Maxamed ( Garweyne)

5: HOP#172 oo uu ku fadhiyo Cali Cadow Maxamuud, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

6: HOP# 164 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Isaaq Fanax

7: HOP# 047 oo ay ku fadhiso Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee soo geba-gabeeya doorashada Kuraasta labada Aqal marka kaga reebo kuraasta labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo la soo geba-gabeeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response