Madaxda DF oo si kulul u cambaareeyey qarixii Garoowe

by admin | Monday, Mar 30, 2020 | 466 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ee xalay fiidkii hore ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kula xariiray, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ah madaxweynaha maamulkaasi, ayaa marka hore uga tacsiyeeyey geerida guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) oo qaraxaasi lagu dilay.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa cafimaad deg-deg ah u rajeeyey shaqsiyaadka kale ee ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay weerarkaan, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisa ay xanuunka la qeyb-saneyso ehellada ay dadkooda waxyeeladu soo gaartay.

Khayre ayaa si gaar ah Puntland uga tacsiiyey geeridii ku timid, marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, isagoo u rajeeyey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Weerarkaan oo uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Garoowe oo saldhig u ah Puntland ayaa waxaa lagu tiriyaan magaalooyinka ugu amniga fiican Soomaaliya, waxaana madaxda maamulkaasi ay wacad ku mareen inay xoojin doonaan amniga, si looga hortago suurta-galnimada weeraro kale oo ka dhaca halkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response