Madaxweynaha Puntland oo amar ka soo saaray Shilalka Gaadiidka

by admin | Wednesday, Jun 2, 2021 | 288 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in malmihii la soo dhaafay ay degaannada maamulkaas kusoo bateen shilalka gaari ay ka dhashaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac.
Waxaa uu sheegay in laamaha Amniga Puntland looga baahan yahay inay hubiyan dhalinyarada dalxiiska u aadaya degaannada qaar ee Puntland inay yihiin kuwo awood u leh inay si wanaagsan u wadan Gawaaroida.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweyne Deni in baaritaan lagu sameyn doono Wadayaasha Gaadiidka qaarkood oo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya,, waxaana uu ugu baaqay wadayaasha Gaadiidka inay noqdaan dad mas’uul ka ah dadka ay Gawaarida ku wadaan.
Warkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan degaano hoostaga Magaalada Garoowe ay ka dhaceen Shilal Gaari oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response