Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Somalia

by admin | Monday, May 3, 2021 | 279 views

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Kate Foster oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Kulan ay yeeshee labada dhinac ayaa waxaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka Somaliland & dowladda Ingiriiska, arrimaha diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo maalmo kooban ka dhiman yihiin.

Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray deeqaha dalka ingiriisku Somaliland ku taageero dhinaca mashaariicda horumarineed ee arrimaha bulshada, sidoo kale waxa laga wada hadlay xaaladda amni ee wakhtigan ay ku sugan tahay mandaqadda geeska Afrika.

Safiirka cusubna waxa ay dhinaceeda uga mahadnaqday horumarka, Dimuquraaddiyadda iyo nabadgelyada buuxda ee ay gaareen muddadaa soddonka sanno ah, iyadoo sheegtay inay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid Hargeysa, ka dawlad ahaanna ay dardar-gelin doonto hawlaha wada shaqayneed ee labada dhinac hore uga dhexeeyey.

Like it? Share it!

Leave A Response