Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo Mucaaradka u fasaxday Isu soo baxa siyaasadeed.

by admin | Wednesday, Jan 4, 2023 | 203 views

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo Mucaaradka u fasaxday Isu soo baxa siyaasadeed.

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa xayiraadda isu soo baxa siyaasadeed ah ka qaaday mucaaradka oo 6dii sano u dambeysay aanay sameyn jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo muuqda oo ay usoo bandhigeen taageerayaashooda.

Marwo Samia Hassan ayaa sheegtay in mas’uuliyadda nabadgalyada ay guud ahaan wada saaran tahay muxaafid & Mucaarad kana fogaadaan wax weliba dhaawac u geysan kara xasiloona Dalka Tanzania.

“Mas’uuliyaddeenu waa in aan ilaalino in aad si nabad ah u qabataan isu soo baxyada siyaasadeed si wanaagsanna u dhammeysataan una kala tagtaan, waxaa waajib ah in aad raacdaan sida uu sharciga dhigayo si aan u sameyno siyaasad bisil oo aan wax dumineen” Samia Suluhu Hassan, Madaxweynaha Tanzania.

Madaxweynihii Geeriyooday ee ay baddeshay Samia Suluhu Hassan una ahayd ku xigeen ee John Magufuli ayaa sanadkii 2016kii mamnuucay isu soo baxyada siyaasadeed ee Mucaaradka si ay u ogaadaan heerka awooddooda taageerada dhan tahay.

Xubnaha Mucaaradka ee Tanzania ayaa ku tilmaamay in aanay u dabbaaldegi doonin fasaxa la siiyay balse waxa uu ku sifeeyeen in la siiyay xuquuq ka maqneen 6dii u dambeysay si ay usoo bandhigaan taageerada ay leeyihiin.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay go’aanka Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ku fasaxday isu soo baxyada xubnaha Mucaaradka oo tan iyo 2016kii dambi ka ahaa Dalkaas balse haatan dib loo fasaxay.

Like it? Share it!

Leave A Response