Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq

by admin | Saturday, Apr 23, 2022 | 573 views

Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminàayo ayaa gaadhay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ujeedka Safarka madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ah in maanta uu soo xidho deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo màanta shantii kursi ugu danbeeyey lagu dooranaayo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay gaaray Magaaladaasi halkaasi oo lagu doortay 11 kursi oo ka mid ah golaha Shacabka, waxaa maanta lagu waddaa in lagu doorto Shan kursi.

Like it? Share it!

Leave A Response