Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Kenya

by admin | Tuesday, Sep 13, 2022 | 271 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto, iyaga oo xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo kamid ah wafdiga Madxweynaha ayaa sheegay in ka sokow ka qeyb galka Madaxweynaha e Caleemo-saarka uu kulan gaar ah la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya ee William Ruto, ayna ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ku saabsan labada dal.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto ayaa kadib doorashdiisii sheegay in kulanka uu la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlidoono arrimo kusaabsan heshiiskii Jaadka, waxaana Wasiirka Warfaafinta wax laga weeydiiyay in uu isbedel ku imaan karo heshiiskaas.

Wasiirka waxaa uu sheegay in heshiis kasta oo labada dowladood ay wada galeen uu noqon doono mid sii wada socda, hadii aysan jirin arrimo kale, sidoo kalena Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo Iskaashi la xiriira dhanka Amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo doceedyo kale la qaadan doonaa Madaxda kale ee ka qeyb galeysa Xafladda Caleemo-saarka,isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response