Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in deg deg loo soo celinayo Ciidamada tababarka u jooga Ereteriya

by admin | Monday, Jul 11, 2022 | 317 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamada ayaa uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay cadow ku yihiin horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya, isaga oo xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan muuqooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan cududdooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.

Like it? Share it!

Leave A Response