Mareykanka: Meydka Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo Webi dhexdiisa laga helay

by admin | Tuesday, Jun 7, 2022 | 324 views

Muddo 5 Cisho ah ayaa la la’aa Alle u Naxariistee Cabdiraxmaan Cabdifitaax Cali oo ahaa Wiil Dhalinyaro Soomaali ah oo kunoolaa Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareyanka, hayeeshee ugu dambeyn meydkiisa la helay.

Wiilka oo dhiganayay Jaamacadda Minnisota ayaa baaritaano ay sameeyeen Ciidamada Amniga waxaa ay ku guuleysteen inay meydkiisa kasoo saaraan webiga Mississippi ee Magaalada Minneapolis.

Qaar kamid ah Ardaydii uu Jaamacadda la dhiganayay ayaa goor hore u gudbiyay Ciifamada Booloska iyo Waalidiintiisa in uu ku sugnaa Cabdiraxmaan Agagaarka webiga Mississippi, taas oo ugu dambeyn la ogaaday in uu ku dhacay kuna dhex dhintay.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale waxaa webiga Mississippi ee Magaalada  Minneapolis ee dalka Mareykanka ku dhacay Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana Waalidiinta kunool Magaaladaas ay cabasho la xiriirta wabiga u gudbiyeen laamaha Amniga balse aysan waxba ka qaban.

Like it? Share it!

Leave A Response