Mareykanka oo dambi ku helay rag doonayay inay afduub geystaan

by admin | Wednesday, Aug 24, 2022 | 464 views

Xeerbeegti Maraykan ah ayaa dembi ku heshay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleegeen qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, sannadkii 2020. Kuwaas oo doonayey inay afduubaan Guddoomiyaha, halka ay qorsheeyeen inay qarxiyaan buundooyin ama ay bartilmaameedsadaan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gurmadaan, inta uu socdo qorshaha afduubku.

Adam Fox iyo Barry Croft Jr. ayaa sidoo kale lagu helay dembi kale oo ah, inay qorsheeyeen inay helaan hubka wax gumaada, oo ay ku jiraan, bam lagu qarxiyo buundo iyo in la jahawareeriyo ciidanka booliska, xilliga uu socdo qorshaha lagu afduubayo Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Barry Croft Jr. oo ah dareewal kaxeeya gaadiidka waweyn, kana soo jeeda gobolka Delaware ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu xukumay eedo kale oo la xidhiidha walxo qarxa oo uu haystay.

Xeerbeegtida ayaa kiiskan ka doodaysay wakhti illaa sideed saacadood ah oo muddo laba maalmood ah.

Kiiskan ayaa baadhistaankiisu bilawday, ka dib markii uu Dan Chappel oo hore ugu soo dagaalamay dalka Maraykanka, oo ka tirsanaa koox sida ciidanka militariga u tababaran oo ka dhisan gobolka Michigan, uu sheegay inuu maqlay, xubno ka sheekaysanaysa inay laayaan ciidanka Booliska. Ninkan ayaa aqblay inuu si hoose ula shaqeeyo laanta dembi baadhista Maraykanka ee FBI.

Dan Chappel oo si dhow ula shaqaynayey kooxda qorshaynaysay inay afduubaan badhasaabka Michigan, ayaa bilaabay inuu si hoose u duubo sheekooyinkooda, isagoo ka qayb gelayey tababarada loogu diyaargaroobayo afduubka guddoomiyaha gobolka.

Caddaymaha uu soo ururiyey ayaa loo isticmaalay in lagu fashiliyo shirqoolkaas isla markaana lagu xidhxidho, dadkii soo abaabulay.

Like it? Share it!

Leave A Response