Maxaa ka socda Dhuusamareeb tan iyo markii uu tagay madaxweyne Xasan?{AKHRISO}

by admin | Wednesday, Aug 9, 2023 | 102 views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kumeel-gaar ah u degay Madaxtooyada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Magaaladan ayaa gashay jawi ka duwan midkii hore. Hadal-haynta dagaalka ayaa meesha ka saaray dhamaan sheekooyinkii kale ee deegaanka.

Saddex shaqo ayaa isdhinac socota tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

1. Qabaa’ilka iyo Madaxweynaha

Dhamaan beelaha ay dhulkooda argagixisada haysato ama waxyar ka joogto ayuu shalay illaa habeen hore qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulamada madaxweynaha iyo qabaa’ilkaas wuxuu ku koobna dowladda waa diyaar ee idinka dhankiina maxaa diyaar ah. Qabiiladdu waxay la wadaageen madaxweynaha hub iyo ciidan waxa xilligaan diyaar u ah ama inta ay hadda awoodan inay kusoo daraan ciidanka u diyaarsan.

Waxay muujiyeen qabiiladdu sida ay diyaar ugu yihiin inay madaxweynaha ku garabsiiyaan dagaalka si loo dhameystiro shaqadii dagaal ee ka socotay Galmudug.

2. Abaabul cusub

Durba waxaa magaalada Dhuusamareeb laga diray siyaasiyiin iyo dhaqan. Waxaa loo diray magaalooyin ay kamid yihiin Cadaado, Gaalkacyo iyo Xarardheere. Waxaa loo xilsaaray diyaarin ciidan, baraarujinta dadweynaha iyo inay gaadhsiiyaan gunta qorshaha cusub ee dagaalka.

Dadka uu madaxweynaha u diray howshaan, waxaa loo arkaa kuwo munaasab ku ah abaabulka iyo kicinta. Sidoo kalena ay daacad ka tahay in la jabiyo argagixisada.

3. Maamulka Galmudug

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxaa soo martay fursad naadir ah. Waa madaxweynihii qaranka oo diyaar u ah in argagixisada kala sifeeyo deegaankooda.

Waxaa la sheegayaa in maamulka Galmudug uu ku baraarugsan yahay fursadaan, durbana ay dhankooda bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo is abaabul gaar ah, si ay door fiican uga qaatan dagaalka.

Kulamada u dhaxeeya madaxweynaha iyo qabiiladda, abaabulka iyo xubnaha loo diray deegaanada kale ee Galmudug iyo maamulka Axmed Qoor-Qoor oo u istaagay inay door dhab ah ka qaatan dagaalka ayaa ahaa howlihii 48 saac ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Muddo asbuuc ah ayaa la aaminsan yahay inay qaadan karto in dhamaan dhinacyaddu diyaar u noqdaan gulufkan sida weyn loo sugayo.

Like it? Share it!

Leave A Response