Maxaa keenay inay kulan kale isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran?

by admin | Monday, Aug 16, 2021 | 263 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Wararka hordhaca ee Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in dowlad goboleedyada qaar ay dalbadeen in doorashada golaha Shacabka hal Magaalo lagu soo koobo, isla markaana ay culeys ku tahay in doorashada Golaha Shacabka lagu qabto laba Magaalo.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response