Maxaabiistii lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya oo Muqdisho la keenay

by admin | Sunday, Apr 11, 2021 | 278 views

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Garoonka Diyaarada Aaden Cadde waxaa lagu soo Dhaweeyey Maxaabiistii Dowladda Federaalku saakay kala soo wareegtay maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya 14 Maxbuus loona heysto Burcad badeednimo.

Waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Maxaabiista iyo Masuuliyiinta waday Sanatar Cabdi Qeybdiid oo ka tirsan Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Bulsho Reer Galmudug ah oo ku faraxsana Soo wareejinta Maxaabiistaan.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladdda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Garoowe ka keenay maxaabiista ayaa u mahad celiyay Wasaaradda Cadaaladda dowlad goboleedka Puntland iyo dhamaan bahda Cadaaladda ee labada heer.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in Wasaaradda Cadaaladda ay dadaal ugu jirtaa in adeega cadaaladda shacabka loo dhoweeyo si Bulshada Soomaaliyeed u helaan Cadaalad.

Like it? Share it!

Leave A Response