Maxay DF uga aamustay aflagaadada loo gaystay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم?

by admin | Tuesday, Jun 7, 2022 | 747 views

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal Islaam oo dhowr ah oo aan weli cambaareyn aflagaadad ay gabar ka tirsan xisbiga maamulka India ee BJP u gaysatay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم.

Dalalka Islaamka ee illaa hadda cambaareyey gefka India ayaa kala ah; Imaaraadka Carabta, Turkey, Oman, Indonesia, Iraq, Maldives, Jordan, Libya, Bahrain, Kuwait, Iran, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, ayada oo liiska uu sii kordhayo.

Ma cadda haddii xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble aysan weli ku baraarugsaneyn arrintan, iyo haddii ay go’aansatay inay isaga aamusto.

Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xisbiga BJP ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood.

Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC), oo Soomaaliy ay xubin ka tahay, ayaa sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP. Hase yeeshee dowladda Soomaaliya weli lagama hayo qoraal u gaar ah.

Ka sokow dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo culimada ayaa sidoo kale weli si aad ah ugu baraarugsaneyn arritan, ayada oo weli aysan xitaa culimada waa weyn ee dalka aysan ka hadal.

Shacabka dalalka Islaamka qaarkood ayaa billaabay olole ka socda baraha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dhammaan badeecadaha ay soo saarto India, balse Soomaalida weli si buuxda uma mid ahan arrintan.

Dhanka kale, guddoomiyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

“Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sameeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NNKH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi.

Like it? Share it!

Leave A Response