Maxay kawada hadlayaan Erdogan & Putin oo maanta kulmaya?

by admin | Monday, Sep 4, 2023 | 64 views

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta la ballansan dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin oo ay kawada hadlayaan qodobo dhowr ah oo qaarkood labada dhinac horay ugu wada hadleen sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Erdogan iyo Putin ayaa diiradda saaraya sidii Madaxweynaha Ruushka loogu qancin lahaa dib usoo celinta heshiiska gargaarka bani aadamnimo ee laga qaadayo Dalka uu weeraray ee Ukraine si loo gaarsiiyo waddamada gargaarkaas u baahan.

Dib u soo celinta heshiiskii dhacay Bishii July 2023 ayaa ah mid ay indhaha la raacayaan dhinacyo badan oo daneynaya in si nabadgalyo ah uu usoo gudbo gargaarka laga soo qaado Ukraine ee la geeyo dalalka ay ka jiraan cunno la’aanta.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhowr jeer dusha laga saaray eedeymo la xiriira in uu is hor istaag ku sameeyay gargaarka bani aadamnimo ee Qaramada Midoobay ka iibsatay dalkaas si loo gaarsiiyo dalalka dhibaatooyinka ka jiraan.

Erdogan ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee sida dhow saaxiibka ula ah madaxda Waddamada Ruushka iyo Ukraine ee dagaalkoodu xooggeystay horraantii sanadkii 2022 kaddib markii Moscow ay duullaan ku qaaday dhiggeeda Kyiv.

Like it? Share it!

Leave A Response