Maxay tahay sababta loo xiray Xildhibaan Ilhaan Cumar?

by admin | Wednesday, Jul 20, 2022 | 415 views

Xildhibaan Ilhan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Kongareska dalka Mareykanka ayaa la xiray kaddib markii ay ka qayb qaadatay mudaaharaad ka hor dhacay maxkamadda sarre ee Mareykanka.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahayd 16 xildhibaan oo la xiray iyaga oo ka qayb qaadanaya bannaanbax lagu hor sameeyay maxkamadda sarre ee dalka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa bayaan qoraal ah soo dhigtay bogga ay Twitter-ku leedahay ku sheegtay in la xiray “iyadoo ka qaybqaadaneysa ka ficil celinta go’aanka maxkamadda sarre, waxayna sheegtay in ay sii wadi doonto banaan baxa ilaa iyo inta ay keenayso is bedel wax ku ool ah inta karaankeeda ah.

Wareysi ay Ilhan Cumar siisay wariye Esme Murphy oo ka tirsan idaacadda WCCO, ayeey ku sheegtay in la siiyay tigid ganaax ah oo dhan $50, sidoo kallena sawir laga qaaday iyada oo xabsiga ku jirta, laakiin aan faraha laga qaadin.

Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo xildhibaanadda kale ee la xiray ayaa ka qayb qaatay bannaanbax lagu hor sameeyay maxkamadda sarre ee dalka Mareykanka, bannaanbaxan ayeey uga soo horjeedeen go’aanka ay maxkamadda sarre ee dalka Mareykanka ku diiday sharci ogolaanayey in haweenku ilmaha iska soo ridi karaan.

Booliska magaalo madaxda dalka Mareykana ayaa ayaa xaqiijiyay in 34 qof lagu xiray mudaaharaadkii dhacay, 34 qof ee la xiray waxaa kamid ah Ilhan Cumar iyo 15 xubnood oo iyaguna ka tirsan Congress-ka mareykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response