Maxkamadda Ciidamada oo dil Toogasho ah ku xuntay Askari dilay Askari kale

by admin | Saturday, Aug 26, 2023 | 118 views

Ciidamada qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Ex Dable Booliis Sakariye Cali Axmed oo hore ugu Eedaysanaa dilka bareer ah oo uu u geystay Ex Xiddigle Booliis Marxuum Cali Xasan Siyaad.

Dilkan ayuu Sakariye ka fuliyey Degmada Dayniile 28/7/2022,sidoo kale Sakariye ayaa hore usii qaatay Baastolad uu lahaa Marxuumka iyo qorigii Dowladda isagoo intaas ka dib ka baxsaday dalka.

Sakariye ayaa u baxsaday Dalka South Sudan ayaa ugu dambayn soo galay Gacanta Haya’addaha Garsoorka Soomaaliya ka dib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska caalamiga ah ee Interpol.

Like it? Share it!

Leave A Response