Maxkamadda CQS oo toogatay Askar dilal ka geysatay Magaalada Muqdisho.

by admin | Monday, Mar 13, 2023 | 261 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun toogasho ah ku fulisay labo askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo dilal u kala geystay askari kale oo ay wadashaqeynayeen & qof shacab ah.

Cabdishakuur Axmed Maxamuud waxaa lagu xukumay toogasho oo ah qisaasta dil uu u geystay Xasan Maxamed Shire oo ay kawada tirsanayeen Ciidamada Booliiska Soomaaliya sida uu sheegay Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Qofka labaad ee toogashada maanta lagu fuliyay waa Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo katirsan Ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka waxaa lagu xukumay in uu nafta dhaafiyay Cabdixakiin Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay waa sida hadalka loo dhigay.

Heerarka kala duwan ee xukunnada Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayuu kiiskooda soo maray waxaana ugu dambeyn maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho si loosoo afjaro kiiskaan muddada furnaa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka & Dad ku eedeysan in ay katirsan yihiin ‘AS’ kuwaas oo geystay dilal iyo qaraxyo, qaarkood ayaa la toogtay halka qaarkal kale ay yihiin xukun sugaya

Like it? Share it!

Leave A Response