Meydad laga helay xeebaha Dalka Tuniisiya

by admin | Thursday, Oct 1, 2020 | 368 views

Ciidmada  ilaalada xeebaha  Tuunis ayaa sheegay inay soo heleen 6 mayd oo baddu soo tuftay.

Mas’uul ka tirsan ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in lixda mayd kala ahaayeen 3 rag iyo 3 dumar kuwaas oo loo badinaayo inay ahaayeen muhaajiriin kusii jeeday xeebaha Talyaaniga.

Ciidmada ilaalada xeebaha ee dalkaas ayaa baadi goob sii wada iyagoo aaminsan inay jiri karaan dad kale inay badda ku jiraan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ayaa dowladda hoose u ogolaaday in maydadka la aaso .

Like it? Share it!

Leave A Response