Meydadka laba Ruux oo lagu arkay duleedka Magalada Jowhar

by admin | Tuesday, Mar 30, 2021 | 311 views

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in degan ku yal duleedka Magaaladaas lagu arkay meydadka laba Ruux.

Meydadka labada Ruux oo uu ka muuqday dhaawacyo logu geystay Tooreey ayaa lagu arkay inta u dhaxeysa degaannada Raqayle iyo Bayaxow ee Koonfur bari magaalada Jowhar.

Dadka ku nool Magaalada Jowhar oo aad uga naxay dilka loo geystay labada Ruux ayaa waxaa ay sheegeen in meydadka aan weli la aqoonsan la keenay saldhiga magaalada Jwhar.

Weli lama oga waxa ay ahaayeen labada qof ee la dilay iyo dadka ka dambeeya dilkooda, waxana Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay sheegeen inay baaritan ku sameyn doonan.

Like it? Share it!

Leave A Response