Mid kamid ah Safaaradaha Somalia ku leedahay dalalka Afrika oo Shaqooyinkii hakisay

by admin | Tuesday, Jul 27, 2021 | 272 views

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika ayaa muddo laba isbuuc ah hakisay howlahii ay qabaneysay sababo la xariira xanuunka Covid-19 oo xaalad adag ku haaya dalkaasi.

Safiir ku xigeenka Safaaradda ahna la taliyaha 1aad ee safiirka  Cabdalla Cali ayaa sheegay in Xarunta Safaaradda ay shaqadeeda dib u bilaabi doonto 1-ka Bisha Agoosto ee sanadkan 2021.

Sidoo kale Bulshada Soomaliyeed eek u nool dalka Koonfur Afrika ayuu sheegay in looga baahan yahay inay muujiyaan taxadar dheeri ah oo looga hortagayo cudurka COVID-19.

Tallaabadaan dowladda Soomaaliya ay ku hakisay Shaqada Safaaradda ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli rabashado ka dhacay dalkaas ay waxyeelo kasoo gaartay Ganacsato Soomali ah.

Like it? Share it!

Leave A Response