Muuse Biixi: “Ergayga Xasan Sheekh uu u magacaabay Arrimaha wadahadalka Somaliland waa tallaabo wanaagsan waana soo dhaweyneenaa”.

by admin | Monday, Apr 3, 2023 | 263 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay arrimaha Somaliland ee Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland Waxa uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah maadaama uu Cabdikariin Xuseen Guuleed uu yahay waaya-arag aqoon u leh howsha uu igmaday Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

“Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay in dib loo billaabo wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland si loo ambaqaado qodobada muhiimka ah ee wadaxaajoodka u baahan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed 1dii April 2023 waxa uu u magacaabay in uu noqdo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Somaliland, waxaa soo dhaweeyay xukuumadda Madaxweyne Biixi & Xisbiga Mucaaradka UCID.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa horyaalla qodobo dhowr ah oo ay lafdhabar u yihiin dib usoo celinta wadahadalka Dowladda Federaalka & Somaliland, waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno uu ugu derajo sarreeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Like it? Share it!

Leave A Response