Muuse Biixi oo shacabka ugu baaqay in ay ka qey bqaataan diiwaangalinta codbixiyayaasha oo bilaabmaysa 28-ka Bishaan

by admin | Saturday, Dec 17, 2022 | 255 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka ugu baaqay in ay is-diiwaangeliyaan, isaga oo xisbiyada iyo ururrada ugu baaqay in ay soo bandhigaan aragtidooda iyo ololahooda marka ay doorashadu dhacayso.

Biixi, ayaa shacabka ku booriyay inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyayaasha ee bilaabmaysa 28-ka bishan, waxaanu si gaar ah baaq u diray qaar ka mid ah gobollada oo aanay dadkoodu hore isu diwaangelin.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka kaarka aqoonsiga ka lumay ama is beddelaya ama gaaray da’dii diwaangelinta in la siiyey fursad qaali ah oo qiimo weyn ugu fadhida, gaar ahaan gobollada aan hore isu diwaangelinin. Waxa ugu baaqayaa inay is-diiwaangeliyaan oo maanta ay talada dalka codkooda kaga qayb qaataan,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xisbiyada cusub iyo ururada siyaasadda in ay aragtidooda siyaasadeed u soo bandhigaan qaab bisil, shacabkana la wadaagaan wax ay ku farxaan.

Diwaan galinta codbixiyayaasha Somaliland ayaa bilaabmi doonta 28-ka bishan December, iyada oo aanay wali mucaaradka iyo xukuumadu ku heshiin waxa keenaya doorashada ururka iyo madaxtooyada.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa 1 October 2022-ka muddo kor dhin laba u sameeyay muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo xil heyntiisa Dastuuriga ah ay ku ekeed 13ka November ee sanadkaan , taas oo markiI dambe sababtay in mucaaradka ka hor yimaadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response