Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

by admin | Sunday, Oct 31, 2021 | 342 views

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsatada dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, ayaa waxaa kooxaha Burcadda ah ay ku toogteen agagaarka Goobtiisa Ganacsi oo kutaal degaanka Plain oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida kunool degaanka Plain ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, sidoo kalena Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ay goobta soo gaareen, kuwaas oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay dillaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan dalkaasi Koonfur Afrika ay soo wajahday cabsi xoogan maadaama bilihii la soo dhaafay ay kordheen dilalka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu dilay Boqolaal Soomaali ah, kuwaas oo Shaqooyin kala duwan halkaasi ku heystay, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda xil iska saartay wax ka qabashada dilalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response