Muxuu Xasan Sheekh ku macneeyey waxa maanta ka socda Muqdisho?

by admin | Saturday, Apr 25, 2020 | 458 views

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray dibad-baxyada ka socda magaalada Muqdisho ee ka dhashay dil uu askari ka tirsan ciidamada dowladda xalay u gaystay laba qof oo shacab ah.

Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in waxa maanta ka socda magaalada Muqdisho ay yihiin wax qalbi jab ah oo aan la daawan karin.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in marar badan horey loogu cel-celiyey in Soomaaliya ay kasoo gudubtay xilligii lagu maamuli jiray awoodda ciidanka, lana jooga waqtigii dimoqraadiyadda.

“Dhab ahaantii waa wax qalbi jab leh, waxa maanta ka socda Muqdisho. Marar badan ayaa si cod dheer loogu celiyey in xiligii kali-taliska ee Soomaaliya uu yahay taariikh tagtay, waqtiga wuxuu caddeeyey in mabaadi’da dimoqraadiga ee codka sanduuqa ay yihiin wax dadkeena ay sugayaan iminka, oo aysan ahayn xabadda,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Hadalka Xasan ayaa imanaya ayada oo ay sii xoogesyteen dibad-baxyada Muqdisho iyo carrada ay shacabka u qabaan madaxweyne Farmaajo.

Carrada ayaa waxa ay gaartay heer ay dadka soo ridaan islamarkaana gubaan tabeelo uu ku dheganaa sawirka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo tani ay muujineyso in dulqaadka shacabka Muqdisho uu dhammaaday.

“Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo, guba Farmaajo,” ayey ku qeylinayeen shacabka.

Dadka qaar ayaa waxa maanta Muqdisho ka socda ku macneeyey tusaale yar oo ka mid ah waxa dhici doona, haddii Farmaajo isku dayo inuu kursiga sii haysto marka waqtigiisa uu dhammaado.

Like it? Share it!

Leave A Response