MW Cagjar oo sheegay in DDS ay ka go’an tahay la dagaalanka ‘AS’.

by admin | Wednesday, Feb 15, 2023 | 199 views

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafa Muxamed Cagjar oo ka hadlay amniga Dowlad-Deegaankaas ayaa sheegay in 6dii bil u dambeysay ay ku guuleysteen sugidda nabadgalyada kana hortageen isku day ‘AS’ ay ku damceen in ay gudaha u galaan DDS.

Mustafa Cagjar ayaa tilmaamay in Ciidamada qaybta sirdoonka ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Amniga ee ka socda Xuduudaha Dowlad-Deegaanka uu la wadaago Dowlad-Goboleedyada hoostaga DFS.

Shacabka ayuu ku amaanay in door muuqda ay ka qaateen la shaqeynta Ciidamada ammaanka ee kahortagay in ‘AS’ ay gudaha u galaan Dowlad-Deegaanka Soomaalida si uu sheegay in ay uga geystaan Dilal & weeraro.

Madaxweyne Mustafa Muxamed Cagjar ayaa sheegay in Dowlad-Deegaanka Soomaalida ay ka go’an tahay xoojinta la dagaalanka ‘AS’ si looga hortago in ay u tallaabaan gudaha Dowlad-Deegaankaas oo ah mid xasiloon waa sida uu hadalka u dhigay.

“6dii Bil ee lasoo dhaafay waxaa guul & natiijo laga soo hoyiyay sugidda amniga, dhanka la dagaalanka Argagixisada guusha laga gaaray waxa ay muujineysaa awoodda dhanka sirdoonka iyo ciidamada, markii fashilka ku yimid isku daygii ahaa in deegaanka ay galeen waxa ay isku dayeen in boqolaal ay geliyaan balse waa laga hortagay, Shacabka waxa ay si buuxda u diideen fikirka ‘AS’ waxa ayna dhiiggooda, maalkooda & maskaxdooda u hureen difaaca deegaankooda & dalkooda” MW Mustafa Cagjar.

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa ciidamo katirsan Liyuu Booliis waxa ay geysay Soohdinta ay la wadaagto Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed si ay uga hortagaan isku day kale oo ‘AS’ ku damci karto in ay markale gudaha u galaan DDS.

Like it? Share it!

Leave A Response