MW DG Jubbaland & Taliyaha Booliiska Federaalka oo kawada hadlay qorshaha sugidda Amniga & wadashaqeynta Booliiska.

by admin | Tuesday, Mar 7, 2023 | 132 views

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay wafdi u badan saraakiil katirsan Ciidanka Booliiska oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Axmed Madoobe & Sulub Firin ayaa kawada hadlay qorshaha lagu dardargelinayo sugidda amniga guud ee dalka, waxaa kulanka ka qaybgalay Taliyaha Booliiska DG Jubbaland & saraakiil kale oo katirsan Booliiska Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay in diiradda la saaro isku xirka wadashaqeynta Hay’adaha Amniga heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed sida ay shaqooyinka u wadaagaan si meesha looga saaro habac soo gala.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in uu xoogga saarayo dardargelinta howlgallada lagu sugayo Amniga ee ay mas’uulka ka yihiin Ciidamada Booliiska heer Federaalka & heer Dowlad-Goboleed.

Taliye Sulub Axmed Firin ayaa intaas kaddib kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Booliiska DG Jubbaland waxaana uu kala hadlay in ay xoojiyaan wadashaqeynta kala dhaxeysa heer federal si ay isaga kaashadaan baarista kiisaska & wadaagista agabka ay u baahan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response