MW Xasan Sheekh oo magacaabay Ergeyga Arrimaha Carruurta & Xuquuqda soo golootiga

by admin | Thursday, Apr 20, 2023 | 218 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa horay waxa ay u ahayd Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyada oo horay ugu soo shaqeesay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada Dalalka Caalamka.

Magacaabista Marwo Marayn ayaa ku dhigan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay lix Ergo, isaga oo horay u magacaabay shan Ergo oo kala ah; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye Ergeyga Madaxweynaha ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya la yeelaneyso Caalamka Khadar Cabdirixmaan Faroole, Ergeyga Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Like it? Share it!

Leave A Response