Puntland oo noqotay goobta koowaad oo Soomaaliya la keeni doono talaalka Covid 19

by admin | Sunday, Mar 14, 2021 | 344 views

Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe soo gaaro magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, taas oo noqon doonta halka ugu horraysa ee la keeno guud ahaan Soomaaliya.
In ka badan 300,000 oo qof tallaal loogu tala-galay, ayaa sida qorshaysan la keeni doona caasimadda Garoowe todobaadka dambe, sida laga soo xigtay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Tallaalkaas oo haatan ku diyaarsan magaalada Nairobi, waxa la qorsheeyay in uu Puntland soo gaaro 24-25 bishan March, iyadoo Garoowe noqon doonta halka kowaad ee laga bilaabo tallaalka COVID-19.

Like it? Share it!

Leave A Response