Puntland oo xukun ku riday 18 rag ah

by admin | Monday, Jun 14, 2021 | 433 views

Raggan ayaa maanta lagu xukumey Maxkamad ku taal  magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana ay gaarayaan illaa sideed iyo toban rag ah.

Toddobo iyo toban kamid ah ragga waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxey ku eedeysan yihiin in Gaalkacyo, iyo qeybo kala duwan ee maamulka Puntland kamid ah iney ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux.

Dadkan ay laayeen ayaa isugu jirey xubno kamid ah dowladda iyo shacab rayid ah. Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano. Xubnahan waxey ku eedeysan yihiin iney kamid yihiin ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa sheegtay raggan iney isugu jireen qeybo kala duwan oo Al Shabaab ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu laayey dad aad u tiro badan. Tiradan ayaa la oran karaa waa tii uggu badneyn ee dil toogasho ah lagu xukumo taariikhda Puntland mar qura.

Like it? Share it!

Leave A Response