Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Tuesday, Jan 29, 2019 | 934 views

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Daljirka Daahsoon & Inta u dhaxeysa Xaruntii hore ee Baarlamaanka.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ka agdhow xarunta Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta Qaraxu ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response