Qoysas Soomaaliyeed oo saameeyay dabeylo ku dhuftay Canada

by admin | Tuesday, Sep 25, 2018 | 907 views

Dabeylo xoogan oo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba ayaa ku dhuftay Jimcihii magaalada Ottawa ee dalka Canada, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Saameynta ka dhalatay dableylahaas ayaa sababtay in dad badan oo ay ku jiraan qoysas Soomaaliyeed ay guryahooda ka barakacaan, kuwaasi ilaa hadda ku sugan goobo KMG ah oo la dejiyay.

Dabeylahan oo aanan la arag Tobonaankii sano ee u dambeeyay ayaa sababay inay waxyeelo ka soo gaarto ku dhawaad 30 qof halka Kumanaan kalena ay ka barakaceen guryahooda.

“Annaga guryihii waa nagala saaray, mana geli karno oo kuma laaban karno, qof walba wuxuu u tagay qofkii saaxiibkiisa ahaa, korontada ayaa go’day dhibaatada ma yara, dad 30 qof gaaraya ayay waxyeelo ka soo gaartay”. Ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Bashiir.

Magaalada Ottawa laftirkeeda dableylaha waxay sababeen in korontada ay maalmo ka maqnaato Boqolaal Kun oo guri, taasi oo ah mid ay ku tiirsan yihiin nolosha dadka, sida uu sheegay C/qaadir Ilkacase.

Dabeyshan ayaa dadka waxa ay ku tilmaameen mid musiibo ah oo aanay horey u arag, waxayna tilmaameen inay dareemeen cabsi badan, waxaa la filayaa in dadka ay ku sii nagaadaan goobaha KMG ah ee ay degan yihiin ilaa xaalada ay ku soo laabato mid caadi ah.

Like it? Share it!

Leave A Response