Qoysaska askarta ku dhintay howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya oo la siinayo $200 milyan oo magdhow ah

by admin | Thursday, Apr 20, 2023 | 256 views

Ilaa 200 milyan oo doolar ayaa magdhow ahaan loo siinayaa qoysaska askarta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii, taasoo lagu dallacay howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

In ka badan $175 milyan oo lacagtan ka mid ah ayaa ku baxaysa magdhowga qoysaska askarta looga dilay dagaalka Soomaaliya, halka 15 milyan oo kale la siinayo kuwa ku dhaawacmay ama ku naafoobay howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab.

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socda Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay ku dhinteen Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku guda jira howl-galka nabadeed oo aan weli laga gaarin natiijooyinkii loogu talagalay.

Sida ku cad heshiis is afgarad ah oo ay kala saxiixdeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, $50,000 ayaa la siindoonaa qoyska askari kaste oo howgalka ku dhintay, halka dhaawacyada ama naafada lagu bixinayo $10,000.

Like it? Share it!

Leave A Response