Ra’iisul Wasaaraha Israel oo amar ku bixiyay in la masaafuriyo muwaadiniin u dhashay Eretareeya.

by admin | Monday, Sep 4, 2023 | 179 views

Benjamin Netanyahu Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa amar degdeg u dhaqangalaya ku faray ciidamadiisa in ay masaafuriyeen muwaadiniinta u dhashay Dalka Eretareeya ee qaybta ka qaatay rabshado ka dhacay Tel Aviv.

Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in guud ahaan muwaadiniinta Afrika ee la jooga in la masaafuriyo si looga hortago rabshadaha ay qaybta ka yihiin ee dhibaatada ku ah Xasiloonida waa sida uu yiri Benjamin Netanyahu.

Dibadbax ka dhacay Koofurta Tel Aviv waxaa kasoo muuqday muwaadiniin dhalasho ahaan u badan dalka Eretareeya ee Qaaradda Afrika, waxaa ku dhaawacmay tobanaan qof sida laga soo xigtay hay’adaha amniga.

Sarkaal katirsan xafiiska Madaxweyne Netanyahu ayaa sheegay in tirada Afrikaanka ah ee la jooga in ay gaarayaan ilaa  25,000 oo ruux oo waqti kala duwan halkaas tegay, sababta ay halkaas u gaareen ayay dadkaan ku sheegeen dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jira dalalkooda.

Dibadbaxyadii ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israel ee dhacay Sabtidii 2dii Sabteember 2023 waxa uu bannaanka soo dhigay sida uu uga carooday Benjamin Netanyahu oo ugu dambeyn ku qasbanaaday in uu qaato go’aanka dadkaan lagu masaafurinayo.

Qaar kamid ah dadkaas ayaa ka walwalsan dib ugu laabashada dalalkooda oo waxa ay dood ka dhigteen in weli Dalalkooda ay ka jiraan dhibaatooyinkii ay naftooda ula soo baxsadeen sida dagaallada iyo caburinta lagu hayay.

Like it? Share it!

Leave A Response