Ra’iisul Wasaaraha Somali oo dalka ku soo laabtay.

by admin | Wednesday, Aug 31, 2022 | 412 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caalamiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qabtay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Like it? Share it!

Leave A Response