Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

by admin | Sunday, May 5, 2024 | 15 views

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Banjul ee caasimadda Gambia kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, halkaasoo Sabtidii uu ka furmay shir madaxeedka 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Jaamac iyo Fidan ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka Islaamka.

Tan iyo bilowgii 2024, Turkiga iyo Soomaaliya waxay sii xoojiyeen xiriirkooda. Labada dal ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan difaaca, iskaashiga dhaqaalaha, iyo sidoo kale iskaashiga shidaalka iyo gaasta. Kadib markii bishii February ee sanadkan ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah ayaa waxaa todobaadkii hore Dekedda Muqdisho soo gaaray Markab ay leeyihiin Ciidanka Badda Turkiga oo lagu magacaabo TCG Kınalıada F514.
Turkiga ayaa Soomaaliya ka sameeyay maalgashi la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxaana uu bixiyay gargaar bani’aadanimo oo ballaaran.

Like it? Share it!

Leave A Response