Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha Jigjiga

by admin | Tuesday, Aug 7, 2018 | 781 views

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa markii ugu horreysya ka hadlay colaadda Bariga Itoobiya ka taagan iyo xiisadda dhinaca maamulka ah ee ka jirtay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’isalwasaare Abiye Axmed ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Rabshadihii ka dhacay Magaalooyinka Jigjiga iyo Dirirdhaba.

Waxaa uu sheegay in uu ka xunyahay waxa dhacay kana tacsiyeynayo,islamarkaana uu baaq u dirayo dadka i  ay isdejiyaan.

Ra’isalwasaare Abiye Axmed ayaa ugu dambeyan ku baaqay in la gaba gabeeyo dagaallada u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida ee ka socda Ismaamullada labada Gobol.

Like it? Share it!

Leave A Response