Raysal wasaare Xamse oo shaaca ka qaaday sababta Al-shabaab mar walba qaraxyada ugu beegsato Baledweyne

by admin | Sunday, Sep 24, 2023 | 144 views

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo khasaare badan geystay oo Shalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.

Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxa, isagoona eebe uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo.

Xamse Cabdi Barre ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid fuleynimo ah oo ay kooxdu ku baabi’ineyso dadka Soomaaliyeed markii looga soo adkaaday furimaha hore ee dagaalka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay sababta mar walba kooxdu ugu beegsato qaraxyada magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Sababta ay u bartilmaameedsanayaan kooxda Khawaariijta magaalada Beledweyne waxay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar gooynta Khawaarijta” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha Soomaaliya in kooxdu haatan ay dalka kaga harsan tahay meelo kooban, islamarkaana dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka guul gaari doonaan dagaalka dalka looga curibtirayo kooxda Shabaab.

Gabagabadii qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa marba marka ka dambeysa waxaa sii kordhaya baaxada khasaaraha kala duwan ee uu geystay qaraxaasi oo ahaa mid laga soo buuxiyay gaari Xamuul ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response