Ruushka oo Afrika ka codsaday in ay dalbato in cunaqabateynta dalkiisa saaran laga qaado.

by admin | Wednesday, Mar 8, 2023 | 246 views

Ruushka ayaa aad u daneynaya in uu galaangal muuqda ku dhex yeesho qaaradda Afrika oo ay ku loolamayaan waddamo badan oo reer Galbeed ah kuwaas oo damacsan in danahooda gaarka ah ka fushadaan.

Moscow waxaa saaran cunaqabateyn ka dhalatay duullaanka ciidanka Xukuumaddaas ay ku galeen Ukraine 24kii Febaraayo 2022, Dalal ay ugu weyn yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka & kuwo kale ayaa joojiyay in ay iibsadaan agabka lagu sameeyo Ruushka.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Dalka Malawi ee dhaca Bariga Qaaradda Afrika oo ka hadlay munaasabad deeq ah oo ka timid Moscow ayaa soo jeediyay in Qaaraddu ay cod dheer ku baaqdo in ay dalbato in cunaqabateynta Ruushka saaran laga qaado.

Nikolai Krazilinikov, Danjiraha Ruushka ee Malawi ayaa sheegay in Dowladdiisa xushmad & qadarin ay u heyso Qaaradda Afrika kana taageereyso dhinacyo badan oo ay ka liidato Qaaraddaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Ruushka ayaa Malawi siiyay agabka lagu bacrimiyo beeraha oo gaaraya illaa 20,000 oo tan si beeraleyda dalkaas ay uga faaiideysato waxsoosaarka dalkooda isla markaana uu kordho dakhliga gudaha dalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response