Ruushka oo duqeeyay deegaanada mucaaradka Suuriya ay heystaan

by admin | Monday, Nov 26, 2018 | 765 views

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa duqayn cirka ah ka gaystay deegaanno ay ku xooggan yihiin mucaaradka Suuriya, wuxuuna ku eedeeyay maleeshiyaadka ka dagaallamo Suuriya in hub Kiimiko ah ay ku weerareen magaalada Xalab ay dowladda haysato.

Dowladda Suuriya iyo Ruushka wax ay sheegeen in weerarka Kiimikada ah ay ku dhaawacmeen 100 qof oo ay neefta ku dhegtay.

Fallaagada ka dagaallanta Suuriya waxay beenisay in Kiimiko ay ku weerareen halkaasi isla markaasna eedeymaha loo jeediyay ay ku sheegeen in looga golleeyahay in lagu weeraro goobaha ay mucaaradka haystaan.

Qaybo kamid ah magaalada Xalab, gaar ahaan gobollada Xums iyo Idlib waxaa gacanta ku haya maleeshiyaad uu taageero Turkiga.

Axaddii ayay ahayd markii wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ay sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyada militari ee maleeshiyaadka ayna burburiyeen balse kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Mar sii horreysay, kooxda la socota xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Suuriya ee uu fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegay in 100 qof oo isugu jiro carruur iyo haween la daweeyay kaaddib markii neefta ay ku dhegtay, waxayna arrintaasi ka dambeeysay markii Sabtidii la duqeeyay galbeedka magaalada Xalab.

Like it? Share it!

Leave A Response