Ruushka & Ukraine oo mar kale is-dhaafsaday Maxaabiis dagaal

by admin | Sunday, Jan 1, 2023 | 179 views

Qeyb kale oo Maxaabiis ayey labada dhinac isweydaarsadeen lagu soo beegay bilashada sanadka cusub ee 2023-ka tirsiga Taariikhda Maaliyadda.

Qoraal uu Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine Andriy dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay inay Raashiya soo daayeen 140 Maxaabiis Reer Ukraine ah, kuwaasi oo maanta dib ugu soo qabtay dalkooda Hooyo.

Maxaabiistaasi waxay kala ahaayeen 132 rag iyo 8 haween, kuwaasi oo ku dhaawacmay, lana qabtay xilligii ay difaacayeen magaallada Mariupol iyo Jesiirada Zmiyiny island.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Raashiya waxay shaacisay in la soo daayey 82 Askar Raashiyaan, kuwaasi oo Maxaabiis u ahaa Ukraine.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Difaaca Raashiya soo saartay ayaa lagu sheegay in Wada-xaajood laga galay Maxaabiista la isweydaarsaday oo lagu soo beegay sanadka cusub ee 2023-ka.

Isweydaarsiga Maxaabista labada dhinac waa kii 3-aad ee bishan oo keliya la sii daayey, , iyadoo bishan 6-dii la sii daayey 60 askar Ukraine ah, halka bishan 6-dii iyagana la sii daayey 50 Askar Raashiyaan ah

Like it? Share it!

Leave A Response